Page 58 - VEM ÄR DIN MAMMA
P. 58
fikrad kedis ah, waxaanna tijaabiyay canuggeyga yar, oo khafiifna ah, waxaanna hassinka ku awoo- day in aan gaarsiiyo maxaddada baska. Wuxuu ahaa baakad culus. Ka fikir dabadeed in uu qofku sidoo kale sito wax kale oo u xir-xiran. Sida waxa xasuusta ah ee ugu muhiimsan, laga yaabee shahaaddooyin. Isdhiibna waxay ka dhigantahay dhimasho. Ama in uu canuggu ka tagtid u dhinto. Markaa wuxuu hubaal ahaan qofku awoodayaa in yar oo kale. Laga yaabee waddada oo dhan ilaa iyo Fröslunda.
Ugu dambeyntii qoyskeygu waxay heleen – max- aa yeelay taa wey noqdeen – sharci degganaasho ah. Hal sano oo aan meel la saaranyahay jirin ayaa dhammaatay, gadaal dambana waxay ka no- qon karaan swiidhish. Waxaa dhab ahaan la arki karay culeyska aan muuqan laakiin aadka u adkaa oo uu welwelku ka buuxyay ee garbahooda laga qaaday. Waa ina Stockholm soo booqano, ayaan u arka. Dhahay oo lana sameeyay. Waxaan horay u tusiyay baarlamaanka, qasriga boqortooyada, doonta Djurgården iyo matxafka Waddamada Waqooyiga ee leh Gustav Vasa oo qaab weyn leh. Cabbir ilaa heer ah oo Swiidhishnimo oo canug- geyga ka dhigtay in uu si buuxda u soo godmay. Waxaa dabeyshi aadka u socotay lagu qaaday garbo dad swiidhish noqon doona ilaa iyo inta laga gaarayay Maxaddada dhexe, masaafo nadiif ahayd oo dhex mareysay bataati yar-yar. Bataati- ga yar-yar sidoo kale dabeysha xoogga leh wey ku dheceysay. Si la mid ah dadka kale badankooda, gaadaal ayaan wax ka fahmay.
Waa labadaas xasuusood waxa igu soo dhacay marki aan arkay sawir farshaxaneedka Astrid. Haweeneyda heysata dharka buluugga ah ee kulanka amaanka u dhex taagneyd sida boqorad, waaliddiinta xambaarsan carruurtooda waddada oo dhan ilaa iyo inta laga gaarayo ammaan. Wax- ay isugu soo ururayaan hooyadeed.
In badan oo ka mid ah kuwa annu ku arkeyno Fröslunda si la mid ah sidaas, ama siyaabo kale, ayey carruurtooda u soo xambaareen. Halkan waxaa leesu beddelayaa arday, dad tababar shaqo sameeya, rukun, bukaan. Mana yara inta jeer ee
doqonnimo logau sheego. Waqtiga fog waxay beddel ahaan noqdaan saaxibbo shaqo, xubno qoys, dad xirfadlayaal ah. Laakiin markan waxay ahaayeen wax kale. Qaar dusha bey ku siteen, qaar kalana wey baxeen si ay waddada u xaaraan. Sida marki ay saaxibaddey Fatima hooyadeed ku dhahday iyada ”albaabadoo dhan wey kuu furmi doonaan adiga”. Markii albaabbadu ay garoonka diyaaradaha ku kala furmeen waxay sameeyeen taas naftirkeeda. Albaabbadi waa la furay. Sow saas maaha, sida markii gabar kale hooyadeed ay dhahday” haddii riyadaadu aysan ku cabsi gelin, si fiican uma weyna”. Hooyooyinka iyo aabbooyinka nuucaas ah, oo kor u qaadaya carruurtooda.
Hooyada ay ka muuqatay calaamad weji deggan ah iyo nambarkeeda isu dheelli tirka ee boorsada, foornooyin iyo wax kale oo Astrid ay waafajisay waqtigeeda Fröslunda waxay sidoo kale u egyahay geedo leysku aad-aaddiyay halkaas oo qeybo kala duwan laga doorankaro oo laga sameyn karo qof bani’aadan ah oo buuxa. Cago iyo lug ka qeyb ahaan, cajirka ilaa iyo dhexdana
ay ku xigto, jirka kore oo ay gacmuhu la socdaan, madaxa ilaa iyo foolkana ay ku xigaan, ugu dam- beytana koofiyad madax oo ku soo jiidaneysa. Ama canug. Sidaas ayaannu sidoo kale annagu u muuqannaa.
Waxaannu isu geegeyneynaa qeybo yar-yar, aqoonsigeennuna sidaas uma dhama, wuxuu ka sameysanyahay qeybo aad ugu shaqeeya dhina- cyo kala duduwan, una baahan in leysu dheelli tiro. Culeyska in qof mas’uul laga ahaado ama cid kale oo aan qofka naftirkiisa ahayn ayaa keenaya in qeybaha yar-yar ay midba meesheeda hesho, iyadoon si buuxda wax loo lumin. Sida sidaas ah ayey gebi ahaanba hooyada Fröslunda u tahay wax kale marka la barbar dhigo sawirkii Maryam iyo naagaha aan gacmaha lahayn ee qaaqaawan ee qurxinaya magaalada hoose. Wey dhinacyo badantahay. Waxay leedahay magacyo badan oo aan ahayn oo keliya hooyo.
58