Page 57 - VEM ÄR DIN MAMMA
P. 57
Irene Karlbom Häll
qoraa madax bannaan
Galab mugdi ah dhawr sano ka hor waxaan
dhex taagnaa hoolka Fröslunda, booliiska iyo degmada aya shir iskugu yeeray, shir loogu yeero kulan-ammaan. Dadka meesha soo gaaray waxay inta badan ahaayeen iswiidhish waayeel ah. Qaar iyaga ka mid ahi wey careysnaayeen, waxay ugu dambeyn go’aansadeen in ay afka furtaan oo ay sheegaan sida ay u arkaan dhanka ay Fröslunda
u socoto ee ku aaddan in ay isu beddeleyso aag dhaqamo fara badan leh. Laakiin taas gadaal dambe ayaan ka ogaaday. Maxaa yeelay taasi ma ay dhacin galabtaas.
Hal dumar ee soomaali ahayd ee qabtay cambuur buluug ifaya ah iyo shaash u eg ayaa qorshihi oo dhan joojisay – iyadoon iyadu taa ogayn – keliya in ay halkaas joogtay ayey ku joojisay. Iyo iyadoo taariikhdeeda ka warrantay iyo fikirkeeda. Cidna kuma dhiirran in ay sheegaan wixii ay horteed qorsheynayeen. Taa beddelkeeda waxay sheekaadu u weecatay, si ka wanaagsan sidii hore. Kuwa kale, kuwi ka carada yaraa ee degganaa kuwa kale ee Fröslunda ayaa istaagay iyagoo sheegaya hadal ka soo horjeeda kii hore. Khibrad ayeyna sidoo kale lahaayeen. Sida in carruurtu iyagoo koox badan ah ay wareegaan oo aad u fiicneyd in lala hadlo, keliya waxay ahayd in lagu dhiirrado.
Xalka degmada ee dhibaatooyinkaas oo saas oo ay tahay kulanka lagu falaanqeeyay wuxuu ahaa – habeen wareegayaal. Habeen wareegayaal is the shit. Habeen wareegayaal waa wax lala yaabo haddii la barbar dhigo waddamo dhamma- an dibadda la wada joogo, mugdigana lagu socdo habeenkii maxaa yeelay aad bey u kulushahay maalinta bartameheedu laakiin galabtii marka lagu dhawaado wey sii qaboobeysaa. Iyo guud ahaan in ay dibadda dad badani joogaa. In la is nidaamiyo oo leesu kaashado urur ahaan iyo in
il soo jeedda lagu hayo dhawr iyo toban jirrada qofba qofka kale marka ay dibadda joogaan oo
ay is xureynayaan, lagana yaabo in ay si xad dhaaf ah khamri u cabaan, waa wax qarka u saaran
in ay yihiin wax lagu qoslo dhaqan koontarool bulsho uu mar walba caadi ka yahay iyadoo aan loo baahan in lays nidaamiyo, halkaas oo aan cidna laga fileyn in ay si weyn isu xureyso, waa
maxay sababtu markaa, maxaa laga xuroobayaa? Halkaas oo aysan khamradu ahayn waxa kuugu dhaw ee agtaada yaal haddii uu qofku wax xun tijaabinayo.
Laakiin waa habeen-wareegayaal waxa ay degmadu dooneysay, markaa arrinku waa sidaa, ayey boqoraddi dharka buluugga ah wadatay ku fikirtay. Sidaas oo ay tahay waxay dooneysay in ay wax ka joogto oo ay gacan ka geysato horuu- marka dhanka wanaagga ah. Usbuuci ku xigay waxay joogtay - Dhismaha maamulka ee degma- da iyadoo uu la socdo will da’yar, waxay diyaar
u ahayd in ay habeenka wareegto. Laakiin sida xeerku yahay waa in wareegayaashu ay ahaada- an kuwo badan, ayna ka tirsanyihiin jaaliyad la aqoonsanyahay oo qabata hawlo dhallinyaryo taasoo ka kooban waraaqo badan iyo waxyaabo kale oo gebi ahaanba aan ahayn in la doonayo
oo keliya in mas’uuliyad guud la qaado, sidaas awgeed markan waxba ma ahaannin. Maanta sharciyadu yara wey ka furfuranyihiin kuwii hore, habeen wareegayaashuna wey badanyihiin. Mana aha wax dhif ah in ay hooyooyin yihiin.
Dhawr sano ka bacdi waxaan mar kale joogay goobta, isla saaladi Fröslunda, waxaanna ma- qlayay sheekooyin ku aaddan waddada badanaa aan gebi ahaanba loo adkaysan karin ee ay qaar badani soo mareen si ay Swiidhan u yimaadaan. Waxay ahayd aqoon aad u culus in la kororsado. Laakiin hal arrin wey iska caddeed. In ay barteen farsamada ah in carruur garbaha lagu qaado – waqti dheer.
Waqti kale oo dheeraad ah ka bacdi waxaan la kulmay qoys sidaas naftirkeeda sameeyay, wax- aannuna noqonnay saaxibbo, in kasta oo ay ad- keyd in aan isla hadalno billawgi hore. Is cajiib ah ayaa unoqonay dad isku dookh ah. Laakiin mar gaar ah oo uu turjumaan goob joog ahaa waxaan dareemay in ay fursadda uga faa’iideysteen in ay waxyaabo ka sheekeeyaan, in ay carruurtooda garbaha ku soo qaadeen, maalmo fara badan
oo isku xig-xiga. Iyagoon dib u eegin in ay dhib badneyd. Maxaa yeelay muxuu beddelku noqon karay? Aragti kale ayey gebi ahaanba ka qabeen waxa uu dhibi yahay. Waxaa igu soo dhacday
57
WADDADA OO DHAN ILAA IYO FRÖSLUNDA