Page 6 - VEM ÄR DIN MAMMA
P. 6
HORDHAC
Waxaan ku fikirayaa hooyooyinka. Hooyooyin
aan la kulmay marki aan soo korayay. Waxaan ku fikirayaa micnihi ay iigugu fadhiyeen. In ay yara ahaayeen kuwa aan ku daysado ee sirta ah. Ay ka buuxdo aqoon xagga nolosha ah. Marki aan in yar gudaha ka eego caalamkooda gaarka ah waxaan xasuusta farxadda. Sanduuqa waxyaabaha leysku qurxiyo, boorso gacanta ah, kabar musquleed. Caalamku wuu weynaaday. Dhammaantood cid walba waxbey i siisay aan weli xambaarsanahay ilaa iyo maanta, xitaa marki iyagoo aamusan ay fadhiyeen miiska kushiinka iyagoo koobkooda qaxwada gacanta ku heysta.
Maanta waan ogahay in la dhacsanaashada aan la dhacsanaa iyaga ay salka ku hayo rabi- taanka canugga ee ah in uu caalamka fahamo. In aysan arrintu ku saabsaneyn in ay ahaayeen hooyooyin oo keliya, ee xitaa ay ahaayeen dad waaweyn, iyo dumar. Rabitaanka wax fahamku waa wax canug soo koraya aasaasi ah iyo horuu- mar dabiici ah. Dareen is badbaadin oo u baahan cid lagu daysado.
Laakiin caalamku in aannu weynaanno oo keliya kuma joojinayo in uu wareego. Si joogto ah ayuu isu bedbeddelayaa, mararka qaarkood waxaa loo arki karaa si aad u degdeg badan, laa- kiin badanaa si tartiib ah oo aananba dareemey- nin ayuu u socdaa. Markaana si lama filaan ah ayaannu u arkeynaa in uu caalamku is beddelyay, waxaanunna u baahannahay in aannu mar kale eegno. Mar kale fahanno. Iyo mar kale.
Marka ay Astrid iyo David booqanayaan Fröslun- da, waxay himmaddu tahay in ay isku dayaan in ay arkaan, ayna fahmaan hal meel. Meel iyaga ku cusub, oo leh shalaydeeda, maanteeda, tayadeed iyo taxaddigeeda. In dadka aagga deggan xiriir lala sameeyo wax lagama maarmaan ah ayey hawsha loo socdo u tahay. Dad deegaan ah oo laga yaabo in ay Fröslunda ku noolaayeen no- loshooda oo dhan iyo kuwa laga yaabo in ay hal maalin oo keliya ku noolaayeen, oo ku hadlaya 100 luqadood oo kala duduwan, una dhexeeya 0 iyo 100 jir. Astrid iyo David waxay kuula imaanay- aan hal su’aal oo laga amba qaadayo, kana caawi- neysa in ay wax arkaan. Hal su’aal oo caalami ah
oo cid walba ay isla xiriirin karto. Hal su’aan oo micno leh.
Su’aashu waa muhiim, waana mid dhab ah. Si fiican uma shaqeyneyso in su’aasha toos wadda- da leysugu weydiiyo, waxaa lagama maarmaan ah wada xiriirid, xiriir, kulan. Kaamiradu waa in
ay qalab noqotaa, istuudiyo dibadda ahna waa in suuqa laga dhex sameeyaa, iyadoo ay u jeeddada la sheegay tahay in xiriir la yeesho. Kaalay ha lagu masawiree! Siin iyo qaadasho. Kulan.
Waxaa jiraya kulamo fara badan. Saf dheer oo is duubaya xaga suuqa Fröslunda. Kaamiradu wax- bey isu keeneysaa. Kaamiradu wada hadal ayey albaabka u fureysaa. Sawirka Fröslunda wuu wey- naanayaa, wuu hormaryaa, wuuna is beddelayaa.
Sidaas ayeyna ahayd hooyadey. Ku fac ah Fröslun- da. Waxayna ku soo kortay guri cusub oo laba qol ah ku yaal dabaqa u sareya ee Tallåsvägen 11F iy- ada iyo hoyadeed, abaheed iyo walalkeeda ka yar. Maxaddada baska iridda bannaanka horteed ku taal. Kushiin aan qaboojiye lahayn. Hoolka dhex- da uu yaallo kabadh ay jiilal iska dhaxleen oo ay ka buuxdo hanti yar-yar oo maalinle ah. Waalid- diin shaqaale ah oo ka tirsan Xisbiga Bulshada Di- muqraadiga ah oo hoballo ahaan u heesaya, urur shaqaale ahaanna isu xilqaamay, oo guri nasasho ka dhisay bannaanka magaalada, abidkoodna
aan leysin qaadan ama khamri cabin. Swiidhanti shacabka guri u ahaydna ay mareysay sanooyinki ugu fiicnaa, swiidhish dhab ah oo boorsooyin da- bay uu qiima ka buuxo dusha ku sita. Ama haddii si fudud loo dhaho; dad waaweyn oo doonayay in ay dhisaan bulsho cusub oo fiican, oo ay iyaga iyo carruurtooda isugu tala galeen. Isla waxa
ay waaliddiinta jooga Fröslunda ay doorteen, iyo qeybtaas dunida inteeda kale, ay mar walba doonayeen.
Hooyadaa yaa waaye?
Josefine Bolander
maamule, farshaxan cid kasta u furan, degmada Eskilstuna
6


















































































   4   5   6   7   8