Page 90 - VEM ÄR DIN MAMMA
P. 90
DHOOBO DHUL BEEREED LAGA SOO QAADAY
– Waan soo maray oo keliya si aan u salaamo. Hooyo ayaa qolka shaqada soo geleysa, iyadoon gebi ahaanba lagu casuumin, waxay dhinac walba u fiirineysaa waxyaabaha suran Sawir farshaxaneedka. Waxba ma dhaheyso. Isha ayey la raaceysaa. Waxba ma heleyso. Marka halkaas iyo kabadhka hoostiisa ayey si lama filaan ah sawir gacmeed yar oo gaariga carruurta ku jira uga arkeysaa.
– Aaaah, aadbuu u qurux badanyahay! Kuwa nuucan ah waxay ahayd in aad wax badan ka sawirtid.
Meel fog waxaan ka arkaa wax la muuqaaleeyay, wejigaagu wuxuu ku dhacayaa wejigeyga. Waardiye shakhsi ahaaneed.
Galab jiilaal ah, waxaan qol ka kireystay Hoteelka Isboortiga ee Vilsta.
– Haa xoogaa ayaa Fröslunda loo soconayaa, ayuu wiilka xafiiska qaabilaaddu leeyahay. Halkan fure ka deynso si aad wadda gaaban u martid adiga oo dhex maraya meesha hawo geddiska loo dego, dhanka kale waxaa shabaqa ku yaalla albaab. Cid ha ka
soo deynin oo keliya. Waxaan ka dul tallaabsanaya barafka aniga oo hor maraya dhammaan aqalada yar oo faagannada u eg sida maraakiib cir oo hawada sare ka iftiimaya, waxaan heliyaa albaabka. Dhanka kale waxaa taagan koox gabdho dhawr iyo toban jirro ah oo doodinaya barafka. Waxay doonayaan in ay galaan, marka aan dibadda u baxo.
– Waa in aad wareegtaan.
Qab ayaan hortooda iskula siinayaa albaabka, diqdiqa ayaana ku sii soconayaa aniga oo ku sii jeeda Fröslunda. Dhabarkeyga ayey faalladoodu ka jabaq leedahay. – Waa wax fiican in la xiro albaabka!
– Edeb laaway! – Yaa waaye hooyadaa?
Sidee aan uga war hayn karaa meeshaan oo qofku ”wax walba u dhawyihiin”. Laga yaabee oo keliya in dhulka lala xiriiro, labada cagood xaggooda hoose halkan kula istaag.
Hooyo waxay isu ururisay duubyo dun ah oo faaruq ah. Waxay ku rinjiyeysay medebbo cad-cad waxay soo gelisay xarig adag. Alaab-alaabey fiican oo canug yar loogu tala galay. Waxaan waxa ay ururisay ku heynayaa gasac doolshe oo waslad bira ah ka sam- eysan. Sawir farshaxaneedku wuxuu u baahanyahay wax lagu tiiriyo si uu isugu miisaannaado. Duubka dunta ee hooyo ha u noqdo in yar oo laf dhabar ah.
Dabbaal degga tobanka nofeembar waqti waqtiyada ka mid ah oo ah horraantii 60-meeyadi.
Dad waaweyn oo miiska hareerihiisa ku hadlaya oo hadlaya, waqti dheer,... tartiib u sibxo, tartiib hoos ugu siibo kursiga ee hoos gal marada miiska saaran si aad halkaas u hoos fadhiisatid, una fiirisid dham- maan cagaha, una maqashid codadka, una qiyaastid cagaha warramaya, kor iyo xaggaas sare.
Ma ku guuleysan karaa dhawr boqol oo kiilo oo ah dhoobo laga soo qoday dhul beereed u dhexeeya Rönneå iyo Skälderviken?
Waxaa jira garab gudaha ah oo dhismada isku haya, dhismada oo ah jirkeyga iyo jirkaaga. Dhoobada dul saar ilaa uu uga ekaado, kaaga ekaado. Waxaan ahay kaaga adigu. Jar ilaa iyo inta uu ka billaabayo in uu noolaado.
Sideen garbaheyga kuugu qaadayaa, sideen kugu sii heynayaa, iyadoo aysan xanuun ahayn.
Sidaas oo ay tahay gacmuhu dabcan waa kuwa ugu muhiimsan.
Galab xagay ah oo la joogo suuqa Fröslunda. Sandu- uq madow oo ka horreeya deebta geedka caleemo ballaadhan ee la heli karo, waa wax aad u dheer oo sidoo kale ku filan dhul kibbis ah. Qaar badan ayaa soo gelaya. Sababtu oo ah halkan sawirka ayaa deggan, iminkana uu sameesmayaa, inta lagu jiro waqtiga waannu is arkeynaa.
Haddii aad kor u fiirisid waxaa markaas aad ugu buuxa ubax, ubax la sharraxay. Qaar iyaga ka mid ah waxay ka dul baxayaa sawir farshaxaneedka.
Dad badan waxay u maleeyaan in taallada nuxaasta ah ay tahay mid aamusan laakiin ku fadhiiso gem- berka, gacanta iyo dhegta saar nuxaasta, waxaad maqleysaa sheekooyin aad u wanaag badan.
Waxay ahayd waqti hore oo guga ka mid ah. Waan yaraa. Aabbe iyo aniga waxaannu jirnay beerta. Wuxuu u fadhiistay gadalloobsi gacanta ayuu carro dhulka ugu soo qaadyay, wuuna i tusyay wuxuuna yiri – Eeg Lillan, wey nooshahay!
Astrid Göransson
farshaxan
90